Berbera(Xogsoor Media.Net):- Waxaa maanta marsada dekedda Berbera ku soo xidhay markabkii ugu dheeraa ee abid ku soo xidha dekeda Berbera oo dhererkiisu uu dhan yahay laba boqol iyo toban Mitir.
Waxaanu sidaa koonteenadii ugu badnaa ee dekeda Berbera Markab sidaa uu ku soo xidho ee hal mar laga rogo hal weel oo gaadiidka badda ah,waxaanu sidaa 1400 oo koonteenar oo ah laba jibbaan intii hore dekeda hal mar markab u keeni jiray.
Markii markabka dekeda lagu soo xidhay waxaa ka hadlay madaxda Dekedda Berbera oo uu ugu horreeyo Maareeyaga guud ee Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.
Waxaanu maareeye Siciid sheegay in markabkii ugu waynaa ee ugu dheeraa ee abid dekeda ku soo xidhaa in uu kan yahay waxaanu intaa raaciyay in ay taas suura gelisay horumarka ballaadhan ee ay dekedu ku tallaabsatay.
Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland