War Deg Deg ah: Ciidanka Booliska oo Xidhay Xildhibaan Dhakool

0
486

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa ayaa xidhay caawa fiidkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland.

Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ayaa caawa la xidhay loona dhaadhiciyay xarunta CID-da ee caasimadda Hargeysa.

Xildhibaanka,ayaa la xidhay isagoo xasaanaddii mudanenimo aan laga qaadin,waxaana xadhigiisa loo aanaynayaa in ay la xidhiidhi hadalo uu dhawaan warbaahinta ka yidhi oo ku sheegay in 18 May ee ku astaysan maalinta lasoo noqoshada madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland in aanay ahayn maalin qaran.

wixii warar ka soo kordha xadhiga xildhibaanka kala soco Xogsoor Media.Net

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here