Ceerigaabo (Xogsoor Media.Net):- Maayerka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur,ayaa sheegay in xaaladda deg degga ah ee lagu soo rogay degmada Ceerigaabo iyo laba degmo oo kale oo ka tirsan gobolka Sanaag in ay tahay tallaabo lagu fogaynayo oo lagaga fogaynayo khayraadka dalka.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in marka bari wax ka dhacaan in la buun buuniyo oo la wayneeyo halka uu ku tilmaanay in marka gobolada galbeedka Somaliland ay wax a dhacaan in hoos loo dhigo oo aan la sii wad wadin.
Maayarka Ceerigaabo oo Dorraad wax laga waydiiyay xaaladda degdegga ah ayaa arrimo siyaasadeed la xidhiidhiyay arrinta “Horta marka ay is laynayaan reer Hargeysa iyo agagaarkeeda ama Awdal lama buunbuuniyo laakiin, marka Bariga wax ka dhacaan si fiican baa loo buunbuuniya, khayraadka in nalaga riixayo ayaanu u aragna oo la leeyahay sii riixa awalba anaga oo meel fog joognay,” ayuu yidhi Maayar Ismaaciil.
Maayerka keliya ee ka soo jeeda xsbiga mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa qaab siyaasadaysan u arka xaaladda deg degga ah ee lagu soo rogay degmadiisa,waxaanu sheegay in ay taasi tahay tallaabo lagu sii fogaynayo oo lagaga qadinayo khayraadka dalka
Waxaanu intaa ku daray in dad shisheeye ah lagu laayay meelo ka mid ah Burco ilaa Boorama sidoo kalena dad isku dilaan laakiin, aan la buunbuunin xayiraadna la saarin laakiin, gobolkiisa xayiraad la saaray iyada oo aanay jirin sabab macquul ah “Way dhacday in xayiraad la soo saaray laakiin, Ceerigaabo dhib kama jirin, waxna laguma layn, waan maqlayay qolyo reer Gabiley ah oo leh xayiraadda maxaa looga qaadaya Ceerigaabo? Ana waxaan leeyaha xayiraadda Gabiley baa xaq u leh ee anagu xaq uma lihin in nala saaro,”ayuu yidhi Maayar Ismaaciil.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland