Xukuumadda oo Sheegtay 13 Qof iyo 5 Gaadhi in ay u soo Qabatay Dilkii Saraakiisha

0
467

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xukuumadda Somaliland,ayaa sheegtay in ay u s qabatay oo ay gacanta ku soo dhigtay 13 qof oo loo soo qabtay dilkii labada Sarkaal ee dhawaan jid gooyada lagu dilay iyo 5 gaadhi oo ay ku hawl galeen.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa Hargeysa,waxaa uu intaa ku daray in 13 qof ee la soo qabtay in ay 3 ka nin ay ka mid yihiin kooxdii dilka fulisay halka tobanka kalena uu sheegay n ay taakulayn,gacan siin iyo baadhitaano galay awgood loosoo qabtay.

Waxaa kale oo uu jawaab adag ka bixiyay eedo uga yimi guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo wasiir kaahin ku dhaliilay in uu dhayal saday sugidda ammaanka saraakiisha dablaydu dishay oo uu Cirro sheegay in ay wasiirka dhawr maalmood la soo xidhiidhayeen iyagoo gurmad ka raba.

Waxaanu intaa raaciyay in saraakiisha laga dilay qaranka Somaliland oo dhan balse aanay Kulmiye iyo Waddani midna aanay ka tirsanayn.

Haddaba hadalka wasiirka oo muuqaal ah halkan hoose kaga bogo.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here