Guddoomiye Cirro oo Falalka Booliska ee Xisbiga iyo Bulshada ka Dhanka ah ka Hadlay Farriinna u Diray Hay’addaha Xuquuqal Insaanka

0
398

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha Xsbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa ka hadlay tacadiyada Boolisku ay kula kacaan guud ahaan shacabka dalka gaar ahaan madaxda iyo masuuliyiinta xisbigiisa oo uu sheegay in si gaar ah loo bartilmaameed sado.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in si xun oo qaanuunka ka baxsan in loola dhaqmay Xoghayaha garabka dhallinyada Xisbiga WADDANI ee heer qaran oo ciidanka boolisku xay xidheen kawdii bishan.

Qoraal laba bog ah oo uu guddoomiye Cirro soo saaray wayuu ugu baaqay hay’addaha xuquuqal insaanka ee caalamiga ah iyo kawa Somaliland iyo hay’adda xuquuqal insaanka qaranka Somaliland in ay si dhaw ula socdaan oo ay darsaan tallaabooyin uu tilmaamay in ay tacadi ku yihiin bulshada oo uu sheegay in ay boolisku ku kacaan iyo si gaar ah oo ay u bartilmaameed sadaan madaxda xisbiga waddani.

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay si baalmarsan dastuurka iyo xeerarka dalka oo uu sheegay in loola dhaqmay xoghayaha xisbiga ee laga xidhay.

Haddaba qoraalka Guddoomiye Cirro oo faahfaahsan halkan hoose laga bogo

 

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here