“Waxaanu si wanaagsan ugu diyaar garawnay dejinta alaabooyinka Ramadaanta ee Somaliland iyo dalalka deriska ahba.”
“Imibaka xoolo way dhoofaan laakiin mooshinka jaxka ayaan filaynaa in xoolihii ugu badnaa inoo dhoofaan.” Maareeyaha dekedaha Somaliland
Berbera (Xogsoor Media.Net):- Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa sheegay in ay dekedda Berbera u diyaarsan tahay u adeegsita dalka Itoobiya oo uu sheegay in ay kafayn karto baahida wixii uu la soo degeyo iyo wixii uu dhoofinayoba.
Waxaa kale oo uu sheegay in guud ahaan dekeda Berbera ay hadda diyaar u tahay raali gelinta macaamiisha ay u adeegaan oo aan ku koobnayn ganacsatada Somaliland oo keliya, balse ay dalalka deriska oo dhan ganacsatadoodu ay wax kala soo degto.
Waxaanu intaa raaciyay in ay arrimahaa u fududeeyeen qalab casri ah oo dekeda Berbera lagu soo kordhiyay oo ay ugu muhiimsan yihiin waiishashka casriga ah ee dhawaan dekedu ay soo iibsatay.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefankaku siiyay wargeyska Dawan, ugu horrayn Maareeye Siciid oo aanu wax ka waydiinay socdaal ay dekeda Berbera ku tageen wefti heer wasiirro ah oo ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiy, ayaa yidhi. “Waxa ay u socdeen in ay soo arkaan halka ay marayso jidkii isku xidhayay Berbera iyo Wajaale kaas oo hadda meel fiican maraya, waxaanay eegeen hannaanka ay u shaqayso Dekeda Berbera oo hadda u diyaarsan in ay kafayso baahiyaha dekedeed ee dadka iyo dalka Itoobiya uu u baahan yahay oo ay ugu horreeyaan bulshada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo marin u ah isku xidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana jirta marka aad adeegaaga gaadhsiiso jaarkaaga ayaad cid kalena u gudbi kartaa markaa adeegga dekedda Berbera hadda waa mid ku filan oo kafayn kara dalka Itoobiya, waxaa kale oo aanu soo dhawaynayanaa guud ahaan ganacsatada kale ee dalalka Bariga Afrika oo aanu u damaanad qaadayno adeeg wanaagsan iyo degdeg ay alaabooyinkooda kula degi karaan kuna dhoofsan karaan.”
Maareeyaha oo la waydiiyay in ay jiraan xilligan xoolo ka dhoofa dekeda Berbera iyo u diyaar garawga mooshinka Xajka, ayaa yidhi. “Imika xoolo way dhoofaan, laakiin way yar yihiin waxaanay u dhoofaan dalalka Yemen iyo Sucuudiga, laakiin waxaan rejaynaynaa in xoolihii ugu badnaa ay sanadka mooshinka Xajka inoo dhoofaan taas oo ay suura gelinayso heshiis dhoofka xoolaha ah oo dalalka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland wada galeen, waxaanan ahmiyadda ugu wayn aanu siinaynaa xilliga mooshinka Xajka dhoofka xooleheena.”
Maareye Siciid oo ka hadlayay sida ay ugu diyaar garoobeen u deegsta ganacsiyada kala duwan xilliga Ramadaanta ee ka soo degeya, ayaa yidhi. “Hadda dekedu waxay u diyaarsan tahay in ay dhammaan kaafido baahiyaha ay u baahan yihiin dadka loo adeegayo oo ah ganacsatada wax kala soo dega kana dhoofiya dekeda Berbera oo aan ku koobnayn ganacsatada Somaliland ee laakiin ka socda gud ahaan dalalka deriska oo ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya, waxaanan hadda haysanaa wiishash casri ah oo suura gelinay in dekeda Berbera ay si deg deg ah ugu adeegto macaamiisheeda kala duwan oo aanay alaab ka habsaamaysaa aanay jirin, taas oo noo suura gashay intii wiishashka casriga ah aanu la soo degnay iyo kor u qaadista tayashada aqoonta shaqaalaha oo aanu awood badan galinay.”
Dhinaca kale waxaa shalay shir jaraa’id ku wada qabtay Dekeda Berbera Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo wefti heer wasiirro ah oo ka socday ismaamulka dawlad deegaanka
Soomaalida Itoobiya oo booqasho ku yimi Somaliland iyo Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.
Waxaanay ka hadleen xidhiidhka labada dale e Itoobiya iyo Somaliland iyo adeegyada ay dekeda Berbera ay qabato iyo jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale.
Waxaana horrayn shirkaa jaraa’id ka hadlay wasiir Saleebaan Cali Koore, waxaanu yidhi. “In aanu kheyraadka soo tusno ganacsato faro badan iyo xubno ka mida golaha wasiiradda ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, xigmaduna waxay aheyd in aan is dhaafsano aqoon ku saabsan deegaamada, sidii umaddu u wada noolaan laheyd, sidii loo wada ganacsan lahaa, sidii bulshadu isu fahmi-laheyd dhawr jeer waxaaynu nidhi dadka af Soomaaliga ku hadlaa isaga oo wax kala leh waxna ha wada yeesho, teeda kale waxaa dekadda Berbera sugeysa in boqol milyan oo Itoobiyaan ah iyo in ka badan ay adeeg bixin u sameyso”
Maareeyaha guud ee dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa weftigii ka socday dawlad deegaanka Soomaalida ugu bushaareeyay wakhtiga rasmiga ah ee la filayo in dhismaha balaadhinta dekaddu ay soo dhammaato waxaanu yidhi “Muda dheer ayay nagu qaadatay marinka umadda Soomaalidu ku nooshahay in albaab u noqoto dalka Itoobiya waa hawl adag oo aanu ka shaqeynay taas oo uu nagu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo mar walba ku taamaya is dhexgalka labada wadan, Al-xamdulilaah sharaf dheeraadda ayay noo tahay, in aanu wada shaqeyno, 2020-ka bisha Sebtemper ayay dhammaaneysa dhismaha dekadda qaybteedii balaadhinta, waxaanu rejaynaynaa in wadaduna la dhammaato, mar hadii wadadaasi dhameystirantana waa albaab furmay dad isku mida ayaynu nahay, waanu idin soo dhaweynaynaa, anaga laftigayagu Jigjiga waanu iman doona dekad ahaan iyo maamul ahaanba, dabayaaqada bisha barakeysan ee Ramadaan, macluumaadka ayaynu is weydaarsan doona waxaanu idiin heynaa adeeg bixin wanaagsan, oo boqolkiiba boqol raalingelin doona dalka Itoobiya, gaar ahaan dawladd deegaanka Soomaalida”
Xubin ka mid ah weftiga wasiirada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay sida loogu soo dhaweeyay Berbera,ayaa yidhi. “Waxaan ka mahad celinaya sida sharafta leh ee na loo soo dhaweeyay kolay ujeedadayadu socodaalkan yar oo kaliya maaha, waa socdaal horaantii, in bilahan inagu soo foolka leh weftiyada idiin iman doona ee xagayagu ay qulqul noqdaan ayaa laga yaaba, ujeedada koobaad ee socdaalkayaguna waxaa uu ahaa inaanu isku xidhno labada dal iyo labada dad ee isku midka ah, sidii ganacsigoodu mar walba xortaasi u noqon lahaa, horumarka magaalada Berberi ay gaadho waa horumar qof Soomaaliyeed uu gaadhay dhammaanteena waa uu ina wada saameynaya, waxaa kaliya ee madaxweynaha dawlad deegaanku inta badan ka shaqeeyaana waa sidii umada Soomaaliyeed hal mid u noqon laheyd”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland