Burco(Xogsoor Media.Net):- Proff Cali Khaliif Gallaydh,ayaa sheehay in ay wali ka sugayaan xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi in ay fuliso heshiiskii xukuumaddii hore ee isla xisbiga KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo.
Waxaanu intaa ku daray in aanay marnaba aqbalayn in xaq iyo xuquuq ay leeyihiin in ay cid marti uga noqdaan,waxaanu meesha ka saaray haddii aan la helin saami qaybsi siman oo ay wadaagaan dhammaan beelaha Somaliland in aanay suura gal noqonayn in Soomaaliya la hor fadhsiito oo lala garnaqsado.
Waxaanu sidaa ku sheegay socdaal siyaasadeed ay gobolada ku marayaan isaga iyo Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo habeen hore kula hadlayeen ardayda jaamacadaha Burco,ayaa si wayn uga hadlay arrimaha beelaha darafyada iyo sida aanay suuragal u ahayn in ay beesha dhexe marti uga noqdaan wax la wada leeyahay.
Prof: Cali Khaliif oo arrimahaa ka hadyay,ayaa yidhi.”Waayadan waad maqlayseen in qolyo khaatumo ah iyo qolyo guddi Somaliland ah oo wasiiro u badan uu wada hadal u socday, arimo culculusna waa ka wada hadalnay iyada oo ay jiraan qaar aanu heshiis ku gaadhnay,waxaana jiray heshiis aanu ku saxeexnay Caynaba 20 October 2017, kaas oo madaxweyne Siilaanyo saxeexay aniguna aan saxeexay baarlamaankuna ansixiyey.”
Proff Cali Khaliif ayaa ka hadlay hirgelinta heshiiskii hore u dhexmaray somaliland iyo Khaatumo “Hadaba dimuqraadiyadeena iyo isxukunkeenu waaba inagu cusub yahay waana laga yaabaa in hawsha sidaas u dhacday ee madaxweyne saxeexay oo baarlamaanku ansixiyey in loo qaadanayo toos oo la hirgelinayo balse ma dhicin iyada oo labada madaxweyne ee la kala wareegay heshiisku ay xisbiga Kulmiye ahaayeen, waxay noqotay in hadana hawshaas oo culus darteed waxay dhabtu tahay in siyaasadu ay marmar sakal gasho bal markaa in siyaabo kale oo wax lagu xaliyo la raadiyaa, markaa waxaan is idhi armaa tabliiq siyaasi ahi wax soo kordhin karaan oo dadka shacabka ah ee Somaliland oo arimahani khuseeyaan armay fiican tahay inay war ka hayaan.”
Sidoo kale Proff Cali Khaliif ayaa sheegay inaanu jirin mansab uu somaliland ka doonayaa waxaanu yidhi “Anigu Cali ahaan mansab aan Somaliland iyo Soomaaliya ka rabaa ma jiro, dhaqaale aan ka rabaana ma jiro laakiin waxa ii muuqata in Somaliland iyo hoggaamiyaha maanta jooga haddi aanay ka fiirsan arimaha gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Boorama oo darafyada ah wax aynu xamar nidhaahno waan ula doodaynaa oo laynaga dhagaysanayaa ma jirto.”
Ugu dambayn Proff Cali Khaliif ayaa hadalkiisa ku soo xidhay “Haddii dhag loo dhigi waayo xitaa haddii aan anigu iska dhoofo oo aan iska tacabiro, waxa la yidhaa rayi wakhtigiisa yimid wax is hortaagi karaa ma jiro, waan ogahay oo fule xantiisa ma moogee cida odhanaysa Cali Khaliif yuu wataa dhulbahante lama socdee waa beentood, fikirka dadkayagu rabaan waxa weeyaan in aanaan Somaliland iyo reer sheekh Isaxaaq marti uma noqonayno ee waxbaanu wada yeelanaynaa ama waxba iskuma nihin.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland