Xisbiga Kulmiye oo beeniyay in ay isku afgaran waayeen qabsoomida doorashada Waddani iyo Ucid

0
456

Hargaysa(Xogsoormedia.net)Xisbiga Kulmiya ayaa  beeniyay  in  ay ku kala ka ceen  wadahadaladii u socday xisbiyada   UCID  iyo   Waddani    ee lagaga wada  hadlayay   qabsoomida doorashada Golaha Wakiilada.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Cabdidheere   oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanay  waxba ka jirin  qodobo  ay isku afgaran waayeen  xisbiyada Waddani iyo UCID   beeniyay in ay  waxa uu usoo jeediyay xisbiga  Waddani  in ay waantoobaan maalin walba   mawqif yada cusub ee ay  ka  ka  qaadanayaan   qabsoomida doorashooyinka.

Axmed Cabdi dheere oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Qodabada in intoodii badnad waanu isla garanay afar qodob ayaanu ku heshiinay qodob ka mida ayaa waxa ay yidhaahdeen xisbiga Waddani waxa aanu la soo tashanaynaa guddoomiyaha xisbiga Waddani,maalintii dhawayd ee safiiradu inoo yimaadeen ayay ahayd sidaas ayaana ugu waranay safiirada waxa aan maqlayay waanu ku kala kacnay iyada oo la leeyahay  waxaana ka mid ahaa  qodabada aanu ku heshiinay xisbiyada  Waddani iyo UCID   in sannadka 2019 ka ay dhacdo doorashada Golaha Wakiilada  iyo  in   Koomishanka Doorashooyinka ay bilaabaan  diwaangalintii iyo wixii ka horeeya doorashada iyo   in koomishan   cusub   la magacaabo.qodob kaas oo iyagu ay taagnaayeen  in Juun la magacaabo Koomishanka anaguna aanu taagnan in Octoober la magacaabo Koomishanka waxaaana  isla qaadanay oo   guddoomiyaha xisbiga UCID noo soo jeediyay in   Augost  la   magacaabo koomishanka Doorashooyinka,habayaraatee wax aanu ku kala kacnay iyo qodobo  aanu isku qabanay  majirto   waxaana ugu baaqayaa xisbiga Waddani in maalin walba mawqifka cusub ee ay istaagayaan  iska badalaan. doorashada waxa iska leh shacabka reer Somaliland  waxaana ay u muuqataa in xisbiga Waddani  aanu diyaar u ahayn in ay doorashada Golaha Wakiilada dhacdo  hadii ay diyaar u yihiin in ay doorashadu qabsoonto wax kasta oo laga wadahadli karo waynu ka wadahadli karnaa,”.

Hargaysa Xogsoormedianet.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here