Hargeysa (Xogsoor Media.Net):- Xafiiska wakiilka Somaliland ee dalka Finland Danjire Saamiya Cumar Xaaji Muuse, ayaa dedaal badan u gashay sidii xafiiska dublamaasiyadeed ee Somaliland ee dalka Finland uu u shaqayn lahaa, isla markaana isugu xidhi lahaa dalalka Somaliland iyo Finland.
Danjire Saamiya oo waraysi kooban siisay Wargaeyska Dawan, ayaa sheegtay in Somaliland iyo Finland uu u bilaabmay xidhiidh dublamaasiyadeed oo aad u wanaagsan, isla markaana madax badan oo dalka Finland ah ay kulamo kala yeelatay arrinta qaddiyadda Somaliland, isla markaana madaxdaa ay la kulantay ay dhammaantood ku qanceen hannaanka qarannimada Somaliland iyo gooni isu taageeda, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dawladda Somaliland.
Waxaa kale oo ay ka hadashay waxyaabaha u qorshaysan in dawladda Finland ay ka caawiso Somaliland iyo arrimaha ay hadda kala shaqayso oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashadu.
Danjire Saamiya oo xubin ka ah guddida doorashooyinka ee dalka Finland iyo ta midawga Yurub, waxaa kale oo ay tilmaantay in ay ku talo jirto in xidhiidh wada shaqayneed ay wada yeeshaan guddida doorashada Finlnad iyo gidida doorashada Somaliland.
Ugu horrayn Danjire Saamiya oo ka hadlaysay xilligii la furay xafiiska dublamaasiyadeed ee Somaliland ay ku leedahay dalka Finland waxay tidhi. “Xafiiska Somaliland waxaa la furay 4-tii January 2017, waxaan ku casuumay madax sare oo reer Fiilaan ah iyo dad ajaanib ah oo ay ogu horreyso Goddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Finland Marwo Tuula Haatainen o markaas u taagnayd Musharraxa Madaxweyne ee dalka Finland, waxaan si xoog ah uga qayb qaatay ololaheedii doorashada oo waxaan casho sharaf iyo martiqaad ugu sameeyey xafiiskayga. Waxaana xusid mudan inay ahayed wasiirkii hore ee waxbarashada Finland, waxaanan uga warramay qadiyadda Somaliland iyo waxay ku salaysan tahay.
Waxaanu ku guulaysanay 14/03/2019 in aanu helno liisankii xafiiska Somaliland ee dalka Fiilaan (Somaliland Liasion Office in Finland) iyo in xafiiskani xidhiidh toosa la yeesho wasaarada arimaha dibedda ee Finland, kana wada shaqeeyaan si wada jira xoojinta mashaariicda hormarinta Somaliland, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga iyo dhiiri galinta shirkadaha Fiilaan ay Somaliland maalgashadaan.
Kulankaas waxaa ka mid ahaa Team Leader, Horn of Africa iyo Eastern Africa Ms. Hanna Ojanperä, Senior Officer Unit for Civil Society from the Department for Development Policy Ms. Anu Ala-Rantala and Desk Officer Unit for the Horn of Africa iyo Eastern Africa, Department for Africa iyo the Middle East Ms.Sara Karlson.”
Saamiya waxa kale oo ay ka warrantay kulan ay la qaadatay maedaxweynihii hore ee dalka Fiilaan, Marwo Tarjo Halonen, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaa sharaf weyn ii ahayed inaan ka qayb qaato martiqaadka madaxweynihi hore ee Finland ay u fidiso maalinta haweenka 8 March, garabka haweenka ee xisbiga SDP. Waxaanan wakhti wada qaadanay madaxwyenihi hore ee Finland marwo Tarjo Halonen iyo Wakiilka gaarka ah ee wasaarada arrimaha dibedda Finland (Special Representative on Mediation) Marwo Jutta Urpilainen ahna xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka Finland, horena u ahayed State minister of Finland.”
Danjire Saamiya waxay sharraxaad ka bixisay mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Fiilaan ka waddo dalka Somalilad, waxaanay tidhi “Waxaa jira mashaariic fara badan, sida mashruuca weyn ee MIDA oo ay IOM iyo wasaarada Arimaha dibedda ee Finland maal galiyaan, waana mashruuca caafimaadka ee dhakhaatiirta qurbajoogta reer Finland ay kaga shaqeeyaan Somaliland, sida dhakhtarka Hargeysa iyo Agaasimihii hore ee dhakhtarka oo reer Finland ahaa Dr. Ahmed Askar.”
Marwo Saamiya waxa kale oo ay faahfaahin ka bixisay kulan ay la qaadatay xoghayaha arrimaha caalamiga ah ee xisbiga SDP, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “13 March, 2019 Waxaa sharaf weyn ii ahayed in aan la kulmay Mudane Tero Shemeikka, Xoghayaha Arimaha Caalamiga ee xisbiga SDP, waxaan ka wada hadalnay doorka aan ka wada qaadan doono Arimaha doorashada Barlamaanka Finland iyo Barlamaanka Europe iyo waliba dhismaha xukuumadda cusub ee Finland ay u badantahay in aan ku guulaysan doono xukuumadda cusub.”
Danjire Saamiya waxa kale oo ay faahfaahin ka bixisay kulan dhex maray iyada iyo Guddoomiyaha xisbiga SDP mudane Antti Rinne iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen “13 March waxaa sharaf weyn ii ahayed inaan la kulmay Guddoomiyaha xisbiga SDP mudane Antti Rinne oo soo bandhigay qoraalka siyaasada cusub ee xisbiga SDP oo ah in la xoojiyo xidhiidhka Finland, EU iyo Africa. Waxaanan ka mid ahaa 500 oo ergooyin ah oo ka qayb gashay shirweynihi lagu doortay guddoomiye Antti Rinne 4 February 2017, haddana waa Prime Ministerka cusub oo u taagan doorashada barlamaanka aan qabanayno inshaa Allah, sharafna wey u noqonaysaa Somaliland in aan ku guulaysto inuu noqdo Prime Minister.”