Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo Jawaab Adag ka Bixiyay Warar Been Abuur ah oo Laga Faafiyay

0
540

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,ayaa si adag u beeniyay warar been abuur ah oo laga faafiyay oo lagu sheegay in wasiirku socdaal qarsoodi ah uu ku tegay dalka Isra’el.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan,ayaa sheegay in wararkaasi ay been abuur yihiin oo aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in uu tegay Israa’iil,waxaanu intaa raaciyay in uu ku sugan yahay oo uu joogo Hargeysa caasimadda Somaliland.

Wasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

 

 

 

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here