“Maanta Waxaa Wasiir ka ah Wasaaradaheena Qaar Aan Distoorkaba Aamminsanayn.” Siyaasi Ramaax

0
484

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xighayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,ayaa ka  hadlay sida ay lamaga maarmaan u tahay in dalka Distoorkiisa lagu dhaqo,waxaanu sheegay in maanta Somaliland in ay xilal wasiirnimo ka hayaan xubno aan aaminsanaynn Distoorka dalka taasoo uu ku tilmaamay in ay xaaraan tahay in qof aan distoorka dalka aaminsanayni in uu xil qaranka u qabto.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay sida ay sharciyaddii uga dhacday goleyaasha deegaanka ee degmooyinka dalka oo wakhtigoodii uu dhammaaday isla markaana aan muddo xileedooda la kordhin wax ay ku fadhiyaanna aan la garanayn.

Munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha oo lagu faafinayay Distoorka Somaliland oo maanta lagu qabtay Hargeysa oo uu xoghaye Ramaax hadal ka jeediyay,ayuu kaga hadlay arrimo kale oo badan.

Haddaba warkiisa oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here