Xildhibaan Soomaali ah oo dad ku laayay Deegaankii laga soo doortay

0
408

Xogsoor(Media.net)Xildhibaan Soomaali ah ayaa labo ruux ku dilay degmadda Jarati ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya sida uu BBC-da u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Shaafi Diiriye Shaafi.

Labada marxuum iyo xildhibaanka ayaa la sheegay in ay isku haysteen dhul beereed.

Dacwad isqabqabsigan la xiriirta ayaa taalla maxkamadda degmadda Jarati, sida uu gudmoomiyuhu sheegay.

Xildhibaan Bashiir Diiriye Camey iyo labo qof oo la socotay oo midkood uu darawal ka ahaa bajaajtii waday ayaa xabsi la dhigay waxaana socda baaritaan.

“Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” ayuu yiri gudoomiye Shaafi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here