Mdaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Marxuum Xaashi Muuse oo xalay ku geeriyooday Hargaysa

0
568

Hargaysa.(XogsoorMedia.net)Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi udiray Marxuun Xaashi Muuse Xuseen Oo kamida Odayasha Iyo Waxgaradka Somaliland Oo Xalay Ku Geeridoy magaalada Hargeysa.

Tacsi Madaxweyne: 28/03/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaashi Muuse Xuseen oo xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/03/2019, ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa iyo oday dhaqameed ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland, dib u dhiskii dalka iyo horumarintiisaba.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here