Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ,ayaa si adag uga jawaabay eedo loo jeediyay shirkadda Dahabshiil.
Waxaa kale oo uu xildhibaanku farriin u diray guud ahaan bulshada reer Somaliland oo uu sheegay in uu ku socdo dagaal wajiyo badan oo lagu soo qaaday Somaliland isla markaana xilligan maraya in dhanka shirkadaha waddaniga ah laga soo weeraro Somaliland.
Waxaanu xildhibaanku carrabka ku adkeeyay in warbixinta al-jaziira ay ka faafisay shirkadda dahabshiil in ay tahay mid gabi ahaanba been abuur ah oo aanay waxba ka jirin isla markaana shirkadda dahabshiil wax aan wanaag ahayn oo ay ku caan baxday aanay jirin.
Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.
Xogsoor media.net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliand