Agaasimihii Is Casilay Ee Eedaha Musuq-maasuq Loo Xidhay Oo La Sii Daayay

0
439

Hargeysa (Xogsoormedia)- Waxa maanta  laga sii daayay Agaasimihii guud ee Wasaaradd Warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo Arbacadii todobadkan loo xidhay arrimo la xidhiidha musuq-maasuq uu ku soo eedeeyay Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland.

Cismaan Xuseen Warsame ayaa baadhis ay Hanta-dhawrka guud ku hayeen Wasaaradda Warfaafinta waxa ay sababtay in la xidho madaama oo uu soo galay tuhuno muujinaya inuu ku lug lahaa Musuq-maasuq ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

 

 

Cismaan Xuseen ayaa Isagu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyay  Warqada is casilaadda,waxaanu ku sababeeyay arrimo caafimaad dartood in aanu u gudan karin shaqadii loo igmaday madaama xaalad caafimaad darro soo wajahday.

 

Odayaal dhaqameed beesha uu ka soo jeedaa ayaa warku sheegayaa inay ku soo daayeen damiin, madaama oo ay sheegeen in xaaladiisa caafimaad adagtahay Dhakhaatiirta caafimaadkiisa gacanta ku hayaana ku taliyeen inaan aanu sii xidhnaan karin, isla-markaana waxa la sheegay in dacwadda musu-maasuq ee loo haysto la guddo-galo isaga oo dibada ku sugan.

 

Dhinaca kale waxa isagu weli xidhan Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta Xasan Maxamuud Muxumed oo ciidamada amaanku u xidheen inuu ku kacay falal musuq-maasuq.

Xogsoor Media.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here