Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Maamulka kooxda Real Madrid,ayaa ka maarmi waayay in ay dib u magacaabaan macalinkii hore ee kooxdaas iska casilay sagaal bilood ka hor oo xilli ciyaareedyadii uu joogay guulo u soo hooyay isla markaana ahaa tababarihii u qaaday koobka horyaalka Yurub ee ay difaacashadiisa ku guul darraysatay.
Maamulka kooxda Real Madrid ayaa go’aansaday inay hoggaaminta naadiga in ay mar kale u magacaabaan Zinedine Zidane oo sagaal bilood ka hor iska casilay maamulidda kooxdaas.
Tababare Zidane ayaa kooxda Real iskaga tegay ka dib markii uu ku qanci waayey qorshihii loogu diyaar garoobayey xilli ciyaareedka cusub balse waxa uu haatan sameeyey go’aan la yaab leh oo uu dib ugu noqday kooxdaasi.Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez oo ay wehelinayaan agaasimeyaasha kooxdaasi ayaa qorsheeyey inuu kulan deg deg ah la qaato Zidane si ay u falanqeeyaan magacaabidda mar labaad loogu dhiibayo kooxda Real Madrid oo xilli ciyaareedkan maraysa tababarihii sadexaad.
Sida ay baahisay Dailly Mail warbaahinta dalka Spain ayaa ku soo waramaysa in Zidane uu la wareegayo maamulidda kooxda isla markaana uu maalinta salaasada ah bixin doono tababarkiisa ugu horeeya.
Sidoo kale warbaahinta ayaa ku waramaysa in madaxweynaha kooxda Real Madrid Perez uu sameeyey magacaabis aan la shaacin oo uu ku doorbiday in Jose Mourinho uu noqdo tababaraha kooxda Real Madrid.
Waxa hada muuqata inay guud ahaan meesha ka baxday rejadii uu maamulidda kooxda Real Madrid ka qabay tababarihii hore ee kooxaha Man United iyo Chelsea ee Jose Mourinho kaas oo mar hore-na soo hoggaamiyey kooxda boqortooyada.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland