Wuxuu sheekhu ka hadlay dhacdo kala kulantay qaybintii kaadhadhka Xafladdii daahfurka Buugga Waad Riyootee Runtu Waa Maxay
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Dr Sheekh Siciid Maxamed Faarax oo ka mid ah culimada waawayn ee reer Somaliland,ayaa bulshada ka waaniyay sheegista wax aanay hubin xaqiiqadiisa in ay dadka gaadhsiiyaan oo ay dadka u gudbiyaan wax aanay ogoayn waxaa uu yahay oo ay iyagu si male awaal ah oo keliya ama ay moodeen in ay wax yihiin oo qudha inta ay u qaataan in ay dadka war aan sal lahayn ay gaadhsiiyaan.
Dr Sheekh Siciid oo ka hadlayay munaasibad ballaadhnayd oo kulmisay Culimada dalka,siyaasiyiinta asxaabta qaranka iyo aqoonyahan tiro badan oo kale oo aad u badan oo ka soo qayb galay munaasibad lagu daah furayay buug aad u soo jiitay dadweynihii xafladda ka qayb galay oo uu Dr Sheekh Siciid qoray oo la yidhaahdo WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY.
Dr Sheekh Siciid ayaa si dareen leh oo tudhaale sheekh iyo dhawris Dr ku jirto bulshada ga waaniyay sheegista wax aanay ogayn xaqiiqadiisa isla markaana ka hadlay war aan jirin oo isaga laftiisa laga sheegay iyo siduu buuq uga dhex abuuray qoyskiisa oo been la gaadhsiiyay.
Waxaanu sheekh Siciid si guud mar ah uga hadlay war been ah oo la gaadhsiiyay marwadiisa. Waxaanu yidhi. “Markii aan munaasibaddan diyaarnaynay ee aan hawshan ku jiray waxaa la ii keenay kaadhadh fara badan,anna sida kaadhadhka loo qaybiyo wax badan kamaan garanayn markaa 400 oo kaadh ayaa igu soo hagaagay dabadeed waxaan la kaashaday ALLE ha barakeeyee nin aanu saaxiib nahay walaalona aanu nahay oo Mawliid la yidhaahdo,waxaanu maalin kasta subaxdii aanu nimaadnaa Maansoor annaguu mudanka dalka halkaa kaadhadhka ku siina oo qof walba magiciisa ku qorna oo u dhiibna ama hudheelka u dhigna,waxaa dhacaysa markaad qofka kaadhka u dhiibto mid wuu kuu hambalyaynayaa mid kuu kugu dhegayaa oo hab ayuu ku siinayaa markaa adna adoo faraxsan,ayaad kaadhkii u dhiibaysaa,illayn hudheelka Maansoor dumar badan oo joogay ayaa markiiba wax aan looba joogin is tusay oo yidhi,wuu guursanayaa sheekhu oo xaflad meher ayuu diyaarinayaa,ka dibna waxaa lala hadlay xaaskaygii oo hada aan Hargeysaba joogin oo Ingiriiska joogta oo lagu yidhi haddaad fadhidona soo kac haddaad taagan tahayna soo dhaqaaq, ninkii wuu guursanayaa oo xafladdii meherka ayuu diyaarinayaa oo isagoo faraxsan oo loo hambalyaynayo ayuu Maansoor ku qaybinayay kaadhadhkii Meherka oo anna ayaa soo aragnay e,arrintaasi buuqa ay abuurtay iyo madax wareerka ay I galisay maanta(habeenkii sabtidu soo galaysay) salaaddii Jimce waxaan qudbaddii akhriyay garan maayo. Xaaskii markii ay ila soo hadashay bal adba ka dhaadhici waa kaadhadhkii xafladda buugga,waxaabay igu tidhi buug ayaynu isku ogayn ee guur iskumaynu ogayn. Taleefan loo diray oo warkaa aan jirin lagu gaadhsiiyay ayaa dhibaato sababi gaadhay.”
Dr Sheekh Sciid markii uu si guud mar ah uga hadlay taleefankaa aan laga fiirsan ee marwadiisa warka aan jirin lagu gaadhsiiyay waxaa uu bulshada ka waaniyay faafinta war aanay ogayn xaqiiqadiisa in cid loo gudbiyo iyo halista ka dhalan karta waxaanu yidhi. “markaa horta waxaasina waxay iga soo gaadheen waa taleefankaa hubsiimo la’aanta ah ee la diray hadda waxay heli karayeen in ay kaadhadhka iga qaataan oo ay ogaadaan waxay yihiin laakiin wax aan jirin ayay is tuseen oo isku buuxiyeen oo waliba iga gudbiyeen taasina waa dhibaato halis badan gaysan karta markaa waxaan bulshada ku dar daarayaa in ay iska hubiyaan waxay cid u sheegayaan runnimadiisa,anna waxaan isku qanciyay adaa dadka hurdadoodii ugu tegay oo faraha la galay riyadooda e iskaga dul qaado Soomaali oo sidii kalebna looga ammaan la’aa saw riyadoodii maad faro galin.”
Hadalka Dr Sheekh Siciid,ayaa ah mid waano iyo wax sheeg u ah cid kasta oo doonaysa in ay cid kale war gaadhsiiso hadday qof tahay iyo hadday warbaahinta lafteeda tahayba.
Waxaana loo baahan yahay in cid kastaaba ay iska ogaato intaanay cid wax ay maqashay ama ay si u qaadatay intaanay cid kale gaadhsiinin runnimadiisa taasoo ah sida ay inna farayso diinteen suubban ee islaamku oo ah diin nasteexo ah oo ay ka reebban tahay been sheegista iyo wax aanad hubin gudbintiisuba.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland