Abu Dabay (Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ,ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay xarunta dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dabay.
Madaxweyne Muuse oo hoggaamiyay wefi ka kooban xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumaddiisa,ayaa marti qaad rasmi ah oo at ka heleen dawladda Imaaraadka ku tegay dalkaas,ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha iyo weftigiisa,ayay madaxda dawladda Imaaraadka Carabtu ku soo dhaweeyeen madaarka Abu Dabay.
Waxaana la filayaa in madaxweyne Muues uu kulamo muhiim ah la yeelan doono madaxda uGu sarraysa dalka Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DPW oo heshiis maal gashi kula jirta Somaliland