Diyaarad ay Leedahay Ethiopian Airlines oo Dhacday

0
388

 

Bishoftu(Xogsoor media.net):- Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines ,ayaa manta ku dhacdaday deegaan u dhaw xarunta dalka Itoobiya ee addis-ababa waxyar ka dib markii ay ka kacday addis-ababa.

Diyaaradda  oo la sheegay in ay saarnaayeen 57 qof oo rakaab ah iyo 8 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha diyaaradda ayaa la sheegay in ay dhammaantood dhinteen oo aanay jirin cid ka badbaaday.

Diyaaradda dhacday ee Itoobiya ayaa u kala gooshaysay Itoobiya iyo Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aanay jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay.

Dadka diyaaradda saarnaa ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur.

Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines,Diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Afhayeen ayaa sheegay in diyaaraddu ay burburtay maanta oo Axad ah markay saacaddu ahayd 8:44, wax yar kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa.

Hadalkii ugu horreeyey ee burburka diyaaradda ayaa kasoo baxay Raaysul Wasaare Abiy Ahmed asagoo tacsida shilkaas ku qoray bartiisa Twitter-ka.

War qoraal ah ayay sharikadda diyaaraddaas waxay ku sheegtay in baadhitaanka iyo samatabixintu ay ka socdaan halkii ay diyaaraddu ku burburtay oo u dhow magaalada Bishoftu oo 60km Koonfur Bari ka xigta Addis Ababa.

Wali masoo bixin wax faahfaahin ah oo kasoo baxay tirada dadka ay waxyeelladu soo gaadhay. Mana caddda waxa sababay burburka diyaaradda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay ” Shaqaalaha sharikadda Ethiopian Airlines ayaa loo diri doonaa goobta uu shilku ka dhacay, waxayna samayn doonaan wax kasta oo karaankood ah, si ay gacan uga gaystaan adeegyada dag dagga ah”

Boeing, oo ah sharikadda samaysay diyaaradda, ayaa twitter-keeda ku sheegtay in ay ” Si dhow ula socdaan xaaladda”.

Diyaaradda ay sharikaddaasi samaysay ee 737 Max-8 ayaa ku cusub duulimaadyada, waxaana la daahfuray sanadkii 2016-kii. Waxaana duulimaadyada Itoobiya lagu soo daray sanadkii hore .

Diyaarad isla noocaas ah ayaa shan bilood kahor ku burburtay meel u dhow biyaha dalka Indonesia waxaana saarnaa 190 qof oo rakaab ah.

 

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here