Madaxweyne Cagjar oo ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya

0
494

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cagjar,ayaa ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo uu sheegay in uu yahay mid soo jireen ah oo ka da’wayn xukuumadihii kala dambeeyay ee soo maray labada dal.

Waxaanu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin ka xukuumad deegaan Soomaali Itoobiyaan ahaan in ay xidhiidhkaa sii xoojiyaan oo ay ka shaqeeyaan isku xidhnaanta labada dal iyo labada shacab oo uu sheegay in ay mudnaan gaar ah u leedahay dawlad deegaanka uu madaxweynaha ka yahay oo ah sida uu sheegay cidda xidhiidhka labada dal uumuhiimadda u leeyahay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee xuddunta u noqonaya in Itoobiya dekeda Berbera si wayn wax ugala soo degto ugana dhooftaso muhiimadda uu labada dal u leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo koboca dhaqaale ee labada dal.

Waxaanu sidaa ka sheegay maanta mar uu ka hadlayay dhagax dhigga wadadaas oo laga dhagax dhigay bariga magaalada Hargeysa isagoo uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa in ay ku marti qaadaan dhagax dhigga jidkaas.

Haddaba hadalka Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

Xogsoor media.ne

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here