Hembrug-(Xogsoor Media.Net):-Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa dalka Jarmalka kaga qaybgalay Shir Caalamiya, oo ay iskugu yimaadeen Masuuliyinta Dekedaha Waawayn ee dunida, Madaxda Shirkadaha Container Lines-ka Iyo ururka Badaha Caalamka, IMO iyo madax kaloo ka socota Shirkadaha Caalamiga ah ee Ka Hawl gala Dekedaha Waawayn daafaha Adduunka.
Shirkan oo ahaa mid heer caalamiya, ayaa ka dhacay Magaalada Hemburg ee Waqooyiga dalka Jarmalka. Waxana lagu lafo-guray arrimo badan, oo ku saabsan mustaqbalka adeegyada Dekedduhu bixiyaan sidii loo horumarin lahaa,iyo weliba Istaraajiyad cusub oo halkaa Lagu shaxeeyey.
Sidoo kale waxa shirka isku dhex bartay in ka badan 200, oo Masuul oo ka kala socday Waddamo Kala duwan, kuwasoo mid waliba dhinaciisa halkaa kusoo bandhigay fikiro horumarineed ee Dekeddiisa iyo himiladeeda.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa halkaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo hoosta ka xariiqay higsiga iyo casharada uu halkaa kasoo korodhsaday. Muhiimada shirkan ay kasoo Faa’iidday Somaliland, ayaa ah inay soo samaysay xidhiidh caalamiya iyo saaxibo horleh oo dhinacayada Dekeddaha ah.
Waxa kaloo shirka kasoo qaybgalay saraakiil sar-sare oo ka socday ururka Qaramada midoobay u qaabilsan baddaha, kuwasoo kulan khaas ah la yeshay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Si kastaba ha ahaatee, Taarikhda waa Markii u horaysay ee Maareeye Dekeddaha Somaliland metelaa uu ka qaybgalay shir noocan ah, oo ay iskugu yimaadeen dawlado kala duwan.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland