Siyaasi Madaxweyne Muuse Ku Cannaantay Booqasho La’aantiisa Itoobiya

0
497

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Siyaasi Rashiid Jaamac Dheri oo ka mid ah Siyaayiyiinta Reer Somaliland,ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku cannaantay booqasho la’aantiisa xarunta dalka Itoobiya ee Addis-ababa iyo la kulmi waaga madaxda dalka Itoobiya.

Waxaanu sheegay in booqasho la’aanta ,madaxweynaha Somaliland ee aanu wali tegin dalka Itoobiya ay dhalinayso dareen is bedel in uu ku yimi xidhiidha labadda dal.

waxanu tusaale u soo qaatay wefti heer wasiir ah oo Somaliland ka socday oo uu sheegay in uu soo dhaweyay maayerka degmada Wajaale ee dhanka Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa uu bogaadiyay sida dawladda Jabuuti ay u qaabishay wefti heer wasiirro ah oo Somaliland ka socday dalka Jabuuti safar shaqo ku tegay oo si wayn loogu soo dhaweeyay

Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here