Garoowe(Xogsoor Media.Net):- Madaxweyne dhawaan la doortay ayaa awood u waayay fulinta ballanqaadkiisii koobaad ee lagu doortay oo ahayd in uu soo dhiso xukuumad gole kooban oo ka wasiirro yar xukuumaddii madaxweynaha uu bedelay,waxaanu taa bedelkeeda soo dhisay gole wasiirro tiro badan oo xubno dheer tii uu bedelay ee badnaanta lagaga cabanayay,waxaanu bulshadiisa u diray farriin quus ah oo uu ku sheegay inuu awoodi kari waayay in uu soo dhiso xukuumad kooban.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hor geeyay Baarlamaanka Puntland, golaha wasiirrada ee uu dhawaan soo magacaabay.
Madaxweyne Deni, ayaa Baarlamaanka ka horjeediyay khudbad uu kaga dalbaday inay ansixiyaan golaha wasiirrada si xukuumaddu ay shaqadeedda u guda gasho, waxaa kale oo uu sheegay inay waqti ku qaadatay dhismaha xukuumadda.
Madaxweynaha Puntlnad oo ka hadlayay sida uu awood ugu waayay in uu soo dhiso xukuumad kooban,ayaa yidhi. “waxaan hore u ballan qaaday oo aan doonayay in aan soo dhiso xukuumad kooban oo ka kooban tan aan hadda soo dhisay,laakiin dhibaatadu waxay tahay in caddaalad loo arko in dhammaan beelaha Puntland degaa ay ka dhex muuqdaan wasiirada saxna maaha in caddaalad loo arko in wasiirro la wada gaadhsiiyo beelaha taasina caqabad ayay ku noqonaysaa horumarka ay Puntland doonayso in ay ku tallaabsato iyo guud ahaan Soomaaliyaba marka reer waliba wasiirro doono,laakiin waxay ahayd in wasiirada lagula xisaabtamo in ay dadka ay shaqada u hayaan in ay u adeegayaan oo ay caddaalad ugu shaqaynayaan iyo in kale laakiin beelo wada wasiirro doonaya looma adeeki karayo.”
Waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa uu maanta Baarlamaanka Puntland ka hor jeediyay in loo baahan yahay in baarlamaanku ay ansixiyaan xukuumadda si ay u bilawdo xukuumaddu shaqadeeda loo igmaday,waxaanu sheegay in ay wax ka qabayanaan,caddaaladda,ammaanka,dhaqaalaha,sarraynta sharciga iyo arrimaha bulshada,waxaanu soo dhisay xukuumad ka kooban 48, xubnood oo isugu jira wasiirro,wasiiru dawleyaal iyo wasiir ku xigeenno,waxaana la ansixiyay 47 oo ka mid ah halka uu dhiman yahay wasiirka waxbarashada oo Puntland aan joogin oo safar dibedda ah ku maqan.
Waxaanu yidhi isagoo madaxweyne Deni arrimahaa ka hadlaya. “Annaga oo ka ambaqaadayna ballanqaadyadii aan samaynay xilligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xoogga saari doontaa ka midha dhallinta iyo fulinta ballanqaadyadii nalagu doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Caddaaladda, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo arrimaha bulshada, annaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo sarraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xidhnayn qof ama cidgooni ah.”
Baarlamaanka Puntland,ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay golaha xukuumadda ee uu Madaxweynaha Puntland soo dhisay,waxaa kale oo ay ansixiyeen oo ay meel mariyeen qorshe siyaasadeedka xukuumadda madaxweynaha ee shanta sano ee soo socda.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Ofice