Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay garabka badbaadinta diuquraadiyadda KULMIYE oo ay ku bohoobeen siyaasiyiin hore looga saaray Xisbiga oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac Shabeel) Prof: Cabdi Cali agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo xubno kale.
Guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Shabeel iyo xubnaha kale ee ku bohoobay garabka badbaadinta dimuquraadiyadda Kulmiye,ayaa sheegay in ay ka hor tegayaan caddaalad darro iyo sharci jabin ka jirta xisbiga KULMIYE.
Haddaba halkan hoose ka daawo warkaas oo dhammaystiran
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com