Jabhada ONLF Oo Markii U Horaysay Saxeexday Heshiis Hub Ka Dhigis Ah

0
471

Hargeysa (Xogsoor)-  Dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya,  ayaa markii ugu horaysay la gaadhay heshiis hub ka dhigs ah Jabhadda ONLF, taas oo loo arkayo heshiiskii ugu weyn oo dhaxmara labada dhinac.

Sidoo kale Jabhada ayaa ogolaatay in ay kala shaqayn doonto dowladda sidii loo dhamayn lahaa Saboolnimada, ku Xadgudubka Xuquuqda Aadanaha iyo waliba qodobo kale.

 

Jabhada ONLF ayaa Jabhadda ugu ballaadhan guud ahaan marka la eego mucaaradka dalka Itoobiya oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladdihii kala duwanaa isaga danbeeyay Itoobiya guud ahaan.

 

Waa sababta keentay in dowladda Itoobiya u aqoonsato ONLF in uu yahay mid ka mid ah ururrada Argagixisada, Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa ka qaaday xayiraadii saarnayd isaga oo sheegay in ONLF anay ahayn urur Argagixiso, taasoo bilow u noqotay wada-hadallada labada dhinac.

 

Wixii intaasi ka dambeeyay waxa bilaabmay wax loo arkay isbadal siyaasadeed, waxaana magaaladda Jigjiga ku laabtay saraakiil iyo ciidamo badan oo ONLF ka tirsan.

 

Ugu dambayntiina waxa ay saraakiisha u saraysa ONLF iyo madaxa dowlad deegaanka ku wada heshiiyeen in ciidamada ONLF laga dhigo hubka, isla-markaana lagu xareeyo xerooyin si loo siiyo tababar intooda danaynaysa.

 

 

Xogsoor Media.net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here