Dawladda Tukriga Oo Dar-dar Gelinaysa Wada-hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
407

Hargeysa (Xogsoor)-  Dawladda Turkiga ayaa dardar -dib u bilaabista wada-hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana gobalka soo gaadhay ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar.

Image result for wadahadalka somalia iyo somaliland turki

 

Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Muqdisho, ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad. “Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan.

Geesta kale, warar xogogaala oo uu helay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa Geeska Afrika toddobaadkii hore u sheegay inaanay dawladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas.

Si kastaba ha ahaate dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay dardar xoog leh gelisay sidii ay kulan isugu iman lahaayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ergaygani wada hadalada u qaabilsan Turkigu doonayaa inuu u kala dab qaado labada Madaxweyne.

 

 

Xogsoor Media.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here