“Dadka Carqaladaynaya Horumarka Dekeda Berbera, Waxaan Odhan-karnaa Inay La Bah Yihiin Farmaajo…” Siyaasi Cabdi Maraykan

0
417

Hargeysa (Xogsoor)-  Siyaasi Cabdir Maraykan ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Saaxil oo warbaahinta kula magaalada Hargeysa, ayaa dhaliillo u soo jeediyay shakhsiyaad uu sheegay inay carqaladaynayaan horumarinta Dekedda Magaalada Berbera.

Siyaasi Cabdi Maraykan oo arrimahaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan farriin uga diro dad caadaystay inay horumarka Xukuumadda Somaliland iyo wax-qabadka, gaar ahaan gobolkan Saaxil inay iska horkeenaan oo ay dhex-dhigaan dhibaatooyin.Iyagoo doonaya inay danahooda gaarka uga faa’idaystaan.” Ayuu yidhi Siyaasi Cabdi Maraykan

 

Siyaasi Cabdi Maraykan waxa uu intaas ku daray “Imaraadka Carabta waxaynu ognahay inuu inga dhexeeyo Xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto-dheer, waxaana loo baahan-yahay inaan la carqaladayn. Waxaanan odhan karaa dadka ka shaqaynaya fidmada noocaas ah inay la bah yihiin Farmaajo iyo Xasan Sheekh, iyadoo la ogyahay in calaamku isha ku hayo Mandqadan aynu ku nool-nahay oo ay doonayaan inay maal-gashadaan.”

 

HALKANA KA DAAWO WARKAN OO FAAH-FAAHSAN.

 

Xogsoor Media.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here