Titaanik: Markab Kalsoonidii Lagu Qabay Safarkiisii Koobaad Lagu Lumay

0
624

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Mar kasta oo aadamuhu uu kibro ama uu qooqo wuxuu ku tallaabsadaa in uu sheegto waxyaabo ka baxsan awooddiisa oo ALLE oo keliya u sugnaaday.

Taasoo noolaha dambi ku cibro qaadasho u noqota isla markaana ka ku kacay iyo inta ka ag dhawna ay ku halaagsamaan,marka cid ka qabata sheegashada awoow aanu lahayn uu ku hadaaqo ee laga qaban waayo.

waxaa dunida soo maray dad badan oo kibray oo sheegtay awood aanay lahayn oo uu ka mid yahay Fircoonkii badda ALLE ku qarqiyay ee uu hadana RABBI si aynu ugu cibro qaadano uu jidhkiisii nabad geliyay oo illaa maanta la daawado.

Sida ku cad qar’aanka kariimka ahna ALLE wuxuu inoo caddeeyay in Fircoon uu dunida guudkeeda baaqi ku ahaanayo jidhkiisu si loogu cibro qaato.

waxaa hadaba iyaduna cibro qaadasho iyo wax lagu waantoobo ah degitaankii Markabkii dalxiiska ee xilligiisii dunida ugu waynaa ee loogu magac daray Titaanik oo injineerkii farsameeyay uu meel ka mid ah markabka ku xardhay (ALLENA KAN MA QARQIN KARO) Subxaan ALLAH.

isla markaana markii xafladdii lagu soo bandhigayay loo qabtay markabkaas oo ahaa kii markaa dunida ugu waynaa uu qudbaddiisa ku daray markabkan ALLENA MA QARQIN KARO,taasoo ka mid ah isla waynida iyo maan gaabnaanta gaalada oo u haysta in ay awoodooda ku socdaan maraakiibta ay isku dhedhejintooda oo keliya ay yaqaanaan laakiin aanay cilmiga u lahaynsida uu ALLE u kala wado dhammaan wax kasta oo koonka dushiisa ku socda.

Haddaba waxaa gaaladii isla waynta ahayd wax lala yaabo ku noqotay markii markabkii dunida ugu waynaa uguna casrisanaa xilligaas ee Titaanik uu si deg deg ah u degay safarkiisii koobaad oo ay ku dalxiisayeen madaxyo wayntii reer Yurub iyo barbaartii ay dhaleen ee ALLE ka gaaloobay.

halkan hoose ka daawo warka xaqiiqada ka dambaysay degitaankii markabkii Titaanik.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here