Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo maanta dalka ku soo laabtay, ka dib socdaal uu ugu maqanaa dalka dibadiisa ayaa Xukuumadda Somaliland iyo shacbiga ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan qaadiyada iyo midnimada Somaliland.
“Maanta Somaliland waxay u baahan-tahay isku duubni iyo wadda-jir in Umadda reer Somaliland kaga baxdo duruufaha jira, dalkanina wuxuu u socdaa inuu caalamka ka helo aqoonsi. Waanay dhawdahay sida u imika u muuqata Ifafaalaha Adduunka in Somaliland halkay u socotay muddada dheer ay gaadhi-doonto.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Warancadde
Cali Warancadde waxa uu intaas ku daray “Waxaan ugu baaqayaa Ummadda reer Somaliland inay muujiyaan wadda-jir iyo isku-duubni si ay uga hortagaan dibin-daabyooyinka ku xeeran, una xaqiijiyaan himillada ay muddad dheer halgamayeen.”
HALKANA KA DAAWO WARKAN.
Xogsoor news Hargeysa