Hargeysa (Xogsoor Media.Net):- Wasiir hore oo ka tirsanaa xumuukaddii madaxweyne Axmed Siilaanyo ee talada dalka wareejisay,ayaa digniin u diray masuuliyiinta xilalka wa–Wasiirkii hore ee Boosatada iyo qaran ka haya Somaliland.
Maxamed Jaamac Abgaal wassiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland waxaa uu uga digay masuuliyiinta xilalka qarkooda.
Waxaa kale oo uu sheegay in aanu diyaar u ahayn in uu qabto xildambe oo aan lahayn mushahar noloshiisa ku filan.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in uu ALLE ka baryayo in uu intii hore ee xaaraanta ahayd ee uu ka cunay ummadda isla markaana uu alle waydiisanayo in uu ka caafiyo cuduro badan oo uu sheegay in uu ka qaaday cunista hantida umadda.
Maxamed Jaamac Abgaal oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Annigu wax la qariyo ma’aqaan, xanuunno aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, maxaa yeelay waxaa lagu leeyahay xil wasiir ayaa heysaa, mishaarkaagu marka leysku dardaro waa wax la eg $ 1500 oo dollar, kaddibna waxaa lagu dhiibiyaa miisaaniyada ay ku qoran yihiin lacago la doonayo in howlo gaar ah lagu qabto, lacagta intaa la egna marka aad eegto xaalada wadanka iyo baahida jirta dee’ kuma kaafiyeeyso’’
Wuxuu intaa ku darray in markii uu iska shakiyay caafimaad ahaan inuu tegay dhakhtar “Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa ku soo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”
Waxaanu hadalkiisa ku soo gunaanaday“Xil danbe oo aan loo heyn dhaqaale kugu filan oo aad ku shaqeyso annigu diyaar uma ihii.” Waa masuulkii ugu horreeyay ee caddeeya in hanta umadeed ku baxday isla markaana qirtay in uu xannuuno isku arkay oo alle cafis waydiista inta xilka haysana farrin cad u dira.
Xogsoor Media.Net
Abafgaabhotmail.com
Hargeisa Somaliland
Wasiir Hore oo Digniin u Diray Masuuliyiinta Xilalka Qaran Haya