Xisbiga UCID oo Sababeeyay Eriga Guddoomiye Ku xigeenkoodii Hore

0
501

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa shir jaraa’id ku faah faahiyay eriga guddoomiye ku xigeenkoodii hore Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni  oo ay shalay xisbiga ka saareen.

Xisbiga UCID,ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenkoodii hore ee ay eryeen in uu xisbiga sirtiisa faafiyay iyo in uu xisbiyada  kale la wadaagay arrimo xisbiga u gaar ah iyo in uu jabiyay xeer hoosaadka xisbiga.

Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo guddoomyaha xisbiga ee gobolka Awdal Cabdirashiid Aadan Isaaq oo wada jir shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo ay ka hadleen hadalo ay sheegeen in ay ahaayeen deel qaaf iyo gefaf uu kula  kacay madaxweyne ku xigeenadii hore iyo madaxda jaamacadaha dalka oo ka mid ahaa ergo dhex dhexaadin ah oo isaga dab qaadaysay xisbiyada qaranka.

Haddaha shirka jaraa’id ee masuuliyiinta xisbiga UCID ay qabteen oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

 

 

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here