Daawo: Dr Sheekh Siciid oo Qudbaddii Jimcaha ee Maanta Kaga Hadlay Dal Jacaylku Qiimaha uu U Leeyahay Qofka Muslimka Ah

0
472

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Dr sheekh  Siciid Maxamed  Faarax. Guddomiyaha Diiwaanka Zakada iyo samafalka qaranka,ayaa qudbaddii maanta ee Salaadda jimcaha kaga hadlay qiimaha ay qofka muslimka ah u leedahay dal jacaylka iyo aaminnaadda waddankiisu.

Waxaanu Dr Sheekh Siciid si wayn u bayaamiyay in dalka qofku uu leeyahay ee uu u dhashay in uu yahay mid ka mid ah nimcooyinka ALLE ku siiyay isla markaana loo baahan yahay in dalkaaga jacaylkiisu in uu kugu abuurnaado oo uu kaaga duwanaado dunida inteeda kale.

Waxaa kale oo uu bulshada u soo jeediyay in dalkaaga oo aad jeclaato isla markaana aad ku dhaqdo Diinteenna suubban ee Islaamku in ay tahay sida ugu wanaagsan ee if iyo aakhirobalagu liibaanyo.

Waxaa kale oo uu Dr Sheekh Siciid qudbaddiisa salaadda Jimce ee maanta uu kaga hadlay garsoorka iyo Maxkamadaha.

Haddaba qudbadda sheekha oo dhammaystiran halkan hoose kaga boqo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here