Garowe(Xogsoor Media.Net):- Saaka subaxnimadii ayay ka bilaabantay xarunta baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedkaas.
sadex wareeg oo la soo galay ka dib waxaa jagada Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ku guulaystay Siciid Cabdihaali Dani,halka Madaxweyne ku xigeenkana uu ku guulaystay Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash.
daqiiqado kooban ka dib markii uu doorashada ku guulaystay Madaxweyne Siciid Xilka Madaxweynaha Puntland ayuu soo saaray wareegtadiisii ugu horraysay oo uu awaamiir ku soo saaray quseeya laamodawladeed iyo shirkado madaxbannaan.
Haddaba halkan hoose kaga bogo war saxaafadeedka ugi horreeya ee uu soo saaray madaxweyne Dani.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland