Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni,ayaa si adag uga hadlay qorsheyaal uu sheegay in xisbiga KULMIYE wado oo la doonayo in lagu shaambadeeyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu tilmaamay in si ka baxsan xisbi qarannimada loola dhaqmayo.
Waxaa kale oo uu sheegay in guddi isugu jirtay madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururada bulshada oo dhex dhexaadin ka dhex waday asxaabta qaranka iyo Xukuumadda in ay ka gaabiyeen in ay xisbiga waddani wax waydiiyaan oo ay mawqifkiisa ka dhegaystaan iyadoo ay khamiistii la kulmeen xisbiyada KULMIYE iyo UCID,taasoo uu ku sheegay in ay tahay gaabis ka jira dhanka ergada,waxaa kale oo uu duray xubno uu sheegay in lagu soo kordhiyay ergada dhex dhexaadinta oo uu ku duray in ay KULMIYE taabacsan yihiin isla markaana aanay noqon karin erko dhex dhexaad ah.
Guddooomiye ku xigeenka koobaad ee UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiska guud ee xisbiga UCID ee Hargeysa warkiisa oo dhammaystiran halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland