Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guud ahaan waxaa caawa dhammaad ah oo gudbay sannadka 2018-ka ee Taariikhda Millaadiga ah.
Waxaana bilaabmaya habeen dambe sannad cusub oo ah 2019-ka uu kawsanaya habeen salaasa ah iyadoo sannadka dhammaday iyo ka bilanaya dhalashadiisa debbaal degyo kala duwani ay ka dhacaan daafaha caalamka,ayay is waydiintu tahay caalamka Islaamka oo iyaguna ka kid ah dalalka u debbaal dega ama ugu yaraan intooda badan dawladahoodu dhalashada sannadka cusub ee Millaadiga ay fasax galaan maalinta koobaad maxay diinta Islaamku ka qabtaa u debbaal degga dhalashada sannadka Milaadiga ah.
Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Muxaadaro ka hadlaysa waxay diinta Islaamku ka qabto u debbaal degga sannadka Millaadiga ah oouu inoo soo jeedin doono Sheekh MustafeĀ XaajiIsmaaciil Haaruun si ay u ugaadaan bulshada Soomaalidu halka ay diinta Islaamku ka taagan tahay debbaal degyada sannadka cusub ee Millaadiga inta aan hore u ogayni.