Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Oo Miisaaniyada Ka Saaray Cashuuro Cusub oo Xukuumaddu Kordhisay

0
503

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland  ayaa shaaciyey in ay miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2019-ka in ay ka saareen  cashuuro  ay kordhisay Xkuumaddu isla markaana ay  sheegeen in aanay  sharciga ku fadhiyin.

Cashuuraha ay gudidu sheegtay in ay ka saareen miisaaniyadda ayay sheegeen in ay  soo gudbiyeen dhawr wasaaradood oo xukuumadda ka tirsan isla markaana gudidu ku sheegtay in ay yihiin kuwo sharci darro ah.

Gudoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada somaliland Xildhibaan Cumar Sanwayne oo maanta golaha ka hor jeediyey warbixin ku saabsan miisaaniyada ayaa sheegay inay meesha ka saareen cashuuro xad dhaaf ah oo ay qaar ka mid ah wasaaraduhu soo gudbisteen.

 

Xildhibaan Cumar Sanweyne oo ka hadlaya cashuuraha ku jira miisaaniyada sannadka 2019 ee dawladda Somaliland  ayaa  yidhi “Waxa miisaaniyadda ku jira cashuur fara badan oo wasaaradaha qaarkood ay u soo gudbiyeen wasaarada maaliyada laguna soo daray miisaaniyada.”

Xildhibaan Cumar Sanweyne ayaa sheegay in korodhsiimada ku jirta miisaaniyaddu ay ka timid cashuuraha aan sharciga ahayn ee ay wasaaradaha qaarkood soo rogeen waxaanu yidhi “In korodhsiimada ku jirta miisaaniyadda ee ay wasaaraduhu cashuuraha ku sameeyeen ay jiraan xeerar khuseeyaa oo tusaale ahaan xeerka deegaanka oo kale qofka wasakheeya ceelasha biyaha ama togaga uu leeyahay ganaax la saarayo oo xadi go’an ah hadana ay wasaarada deegaanku  miisaaniyada ay soo gashatay ganaax kii kale ka duwan, markaa wixii xeer ka yaala ka soo horjeeda waanu ka joojinay xaqiiqatan.”

Guddoomiye Sanwayne oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi. “Waxa kale jirta cashuuro badan oo qayrul macquul ah oo meesha ku jiray, kuwaasna waanu ka saarnay miisaaniyadda, wasaaradaha aanu ka saarnay cashuuraha ay soo rogeen waxa ka mid ah wasaarada horu marinta reer miyiga iyo deegaanka, wasaarada gaadiidka iyo horu marinta jidadka, wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta, wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka, wasaarada horu marinta  kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha iyo wasaarada horu marinta biyaha, wasaaradahaas waxaanu ka saarnay dhamaan cashuurihii ay keeneen ee miisaaniyadda ku jiray, sababahana waanigaas sheegay.”

Xildhibaan Cumar Sanweyne ayaa sidoo kale sheegay heshiis ay gaadheen wasiirka maaliyada waxaanu yidhi “Waxaanu ku heshiinay wasiirka maaliyada in dib u eegis lagu sameeyo oo wax macquul ah la keeno dabadeedna si gooniya golaha loogu soo gudbiyo oo ay ka doodaan.”

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here