Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Haddaad gabadanada iyo dhaxanta ka dhacaysa caasimadda Somaliland ee Hargeysa aad fiid ka hoyato ama hoy dugsoon oo aad ka gasho aad haysato waxaa jira dad kugula nool caasimadda aad gaadhiga cad iyo ganacsiga kala duwan ku kala xisaabinayso ama aad xil haye masuul ah ka tahay oo aan dhulka iyo cirka waxba uga dhaxayn oo dhaxanta aad hoyga iyo hugaba ka gashay aan gabbood ka helin.
Nugulkaa kula deriska ah ee aad dariiqyada ku dhaafayso ogow qofkasta oo hayn ku dhaama in xil ka saaran yahay oo lagugu eegayo.
waa carruurta derbi jiifka ah iyo dadka maskaxda ka xannuunsanaya ee deriska la ah dhaxanta aad daftaada siyaabaha badan ee kala duwan uga illaalinayso.
Haddaba waxaa arrintaa ka damqaday oo gurmad hu dhaxameed ah gaadhsiiyay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac.
Waxaanu gaadhsiiyay carruurta derbi jiifka ah busteyaal ay dhaxanta ka huwadaan,taasoo godoshay qalinta qoraa abwaan bare sare Siciid Maxamuud Gahayr(Hargeysaawi),waxaanan halkan idiinku soo gudbinaynaa qoraal iyo maanso uu ku ladhay qormadda uu ku iftiimiyay xil gudashada xildhibaan Nacnac,iyadoo maansada uu tiriyay Cabdiraxiin Siddiiq Cabdillaahi (Heello).
Waxaanu qoraa abwaan Siciid ku bilaabay qoraalkiisa sidan.”15kii Dismeber 2018ka ayaan daawaday maansada ka hadlaysa xaaladda derbi-jiifka, ee uu curiyay Abwaan Cabdiraxiin Siddiiq Cabdillaahi (Heello). Waxa bartiisa Facebook soo dhigay Abwaan Nuux Maxamed Suleiman, waanan sii faafiyay. Dadka ay xujada saarayso waxa ka mid ah qoraayada. Marka laga yimaaddo dareenka guud ee lala wadaagayo gaar ahaan xilliga dhaxanta, waxa xujo igu noqday sadarrada qalinleyda la hadlaya ee ay ka mid yihiin:
“Qoraaguna wuu na dagay
Dad-weynaha uma ban-dhigo
Ciilkiyo dacas kaa na dhibay”
Aniga oo waajibaadkaas gudanaya, waxa aan rabay in aan dhambaalkaas gaadhsiiyo bulshada Somaliland, si ugu yaraan gabadanada ay gurmad uga helaan. Farxad ayay ahayd markii aan 21kii Disember 2018ka ama Jimcihii magaalada Boorama ku arkay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo aanu halkaas u wada tagnay in aanu ka wada qayb-galno meherka Garyaqaan Xalliye iyo Marwadiisa.
Kolkii ay xafladdu dhammaatay ee aanu Hargeysa u soo jihaysannay oo ku sinnayd 11:30 barqannimo ayaan Xildhibaan Nacnac ku arkay irridka Rays Hotel, waanan bariidiyay. Is-waraysi shan weedhood ah ayaa na dhex maray:
“Abti, xildhibaan ii warran?
“Waa nabad. See tahay?”
“Wanaag. Waa ninkii horraantii sannadkan qoray taariikh-nololeedkaaga, markii aad gurmadka u fidisay derbi-jiifka: xilliyadii dhaxanta”
“Mahadsanid”
“Adiga ayaa mudan”
Waxa farxad ahayd in uu Xildhibaan/Samafale Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) uu shalay 23kii Dismeber 2018ka derbi-jiifka Hargeysa gaadhsiiyay taakulo ay busteyaal ka mid yihiin. Waxa inala gudboon in aynu dareenno dhibta ay dadka dibadyaalka ahi ku sugan yihiin.
Tixda daaha ka qaadaysa waayaha derbi-jiifku waa tan:
Hiddiidiiyow hiddii
Hiddiidiiyow hiddii
Hiddiidiiyow hiddii
Duruuf adag baan ku koray
Daryeel hooyana ma helin
Dedaal aabbana ma arag
Tol iyo xidid ii damqada
Dadkana kuma lihi walaal
Waxaan u hoydaa derbiga
Baahida dacalkayga taal
Ayaa dawarsiga i baray
Dar-xumo badan baan qabaa
Dubkayga waxaa ku shidan
Dab kuu waayuhu i sudhay
Han-doora mar baan lahaa
Damiir togan baan lahaa
Inaan dadka caawiyoo
Digtoor noqdo waan jeclaa
Waxseen la dakaamayaa
Dantiyo waayaha i xidhay
Dulliga nolosheen ku jiro
Diiftayda waxaan arkaa
Da’daydu markay tagaan
Dugsiga iyagoo qurxoon
Ayaan qudha deeq ma helin
Farxadda waan kala didnaa
Waxaan gashadaa direys
Maryaha duuggeed qubtaan
Dux iyo iidaan ma cuno
Dugaag waxaan qaybsanaa
Hambada aad daadisaan
Badh baa daacuun u go’ay
Markay waayeen dabiib
Badh bay dhaxamuhu dileen
Duufaankiyo qabowga daran
Badh baa daad soo rogmaday
Habeen dumay uu la tegey
Naftooda badh baa del-deley
Markay dunidii naceen
Aqoon-yahan nama dersaan
Xaaladda derbi-jiifku yaal
Digriga culimada waddaa
Dar Alle nooguma hadlaan
Dastuurkuna wuu na gabay
Qoraaguna wuu dagay
Dad-waynaha uma ban-dhigo
Ciilkiyo dacas kaa na dhibay
Kuwii dadka ii xigaan
Agtooda ku daallanee
Maxaan calanyahaw dushiyo
Daruurta ka soo lushaa
Darxumo hoostaada iyo
Maxaan dalandool ku maray
Rag iyo dumar baanu nahay
Da’ iyo dhallin baanu nahay
Abaydin la dayriyee
Waxaanu rabnaa dareen
Daryeel iyo nolol habboon
Eebbe ha ka abaal-mariyo Xildhibaan Ahamed Mohamed Deria wannaagga uu sameeyay. Rabbi ha ugu daro miisaanka samaha maalinta qiyaame. Aamiin.”
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland