KULMIYE oo Shaaciyay Magacyada Sadex Xubnood oo Xisbiga Laga Saaray

0
437

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa maanta shaaciyay magacyada sadex xubnood oo laga saaray qaaday xubinimadii golaha dhexe ee Xisbiga isla markaana laga saaray xubinnimadii ay xisbiga ku ahaayeen.

Sadexda Xubnood oo kala ah Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire)  oo xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo xilal wasiirnimo ka soo qabtay isla markaana xukuumaddii Siilaanyo markii xilka wasiirnimo laga qaaday ka sii mid ahaa xubnaha ugu dhaw dhaw Madaxtooyada Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Siilaanyo.

Prof: Cabdi Cali Jaamac oo ahaa agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka oo xilkaa isagu iska casilay iyo Cismaan Axmed Maxamed oo ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta guud ee Xsbiga KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku xigenka labaad ee xisbiga Axmed Cabdidheere ,ayaa lagu sheegay in xubnaha sadexda  ah ee xisbiga laga saaray in ay baal mareen sharciga xisbiga’ xeer hoosaadka iyo anshaxaba isla markaana laga bilaabo maanta xisbiga laga saaray.

Haddaba halkan kaga bogo war saxaafadeedka xisbiga Kulmiye ka soo saaray sadexda Xubnood oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here