Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland isla markaana ka mid ahaa xubno aqoonyahan ah oo ka qayb galay shirkii lagaga hadlayay arrimaha Somaliland’Soomaaliya iyo guud ahaan is bedelada ka socda geeska Afrika iyo Soomaalida degta Geeska dalalka gobolka oo lagu qabtay dalka Jabuuti isla markaana uu soo qaban qaabiyay machadka heritage oo xaruntiisu Muqdisho.
Dr Bulxan,ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xiyaasiyiin reer Somaliland ah oo naqdiyay shirkaa lagu qabtay dalka Jabuuti ee uu soo qaban qaabiyay machadka heritage oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid lagu shir qoolayay Somaliland.
Waxaanu Digtoor Bulxan si cad u sheegay in uu xaq u leeyahay meel kasta oo lagaga hadlayo arrimaha Somaliland oo lagaga doodayo in uu tegayo isla markaana aanu cidna uga fasax qaadanayn oo ay tahay xuquuq uu leeyahay iyo waajib saaran oo uu gudanayo.
Waxaanu u soo jeediyay siyaasiyiinta duray shirka uu ka qayb galay ee ka hadlaya in ahayd in ay ka qayb galaan oo doodooda halkaa ka dhiibtaan.
Haddaba Dr Bulxan oo arrimahaa ka hadlaya halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland