Arbaca (Xoogsoor Media.Net):- Waxaa soo dhamaaday wareegii koowaad doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo uu ku guuleystay Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen oo helay codadka ugu badan xildhibaannada Baarlamaanka.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee codadka dhiibtay ayaa ahaa 147-Xildhibaan, waxaana doorashada wareega koobaad Musharaxii hela sadex meelood meel ku guuleysanayay doorashada , waxaa jiray codad badan ooxumaaday.
Xildhibaan Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa haley codadkii la dhiibatay 101 cod helay, halka musharaxa ku soo xigay oo ahaa Aadan Saransoor 22 cod, halka musharixiinta kale , Ibraahim Macalin Nuuroow , Sayid Axmed Sheekh Daahir 4 cod, Xusseen Cismaan Xusseen oo helay 2 cod.
Guusha Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa hore loo sii saadaalinayay ka dib markii la xidhay Sheekh Mukhtaar Roobow oo la filayay in uu doorashada kaga guulaysan karo iyadoo madaxweynaha guulaystay ay wadatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaana aan illaa xalay lagu kala seexan xarunta maamul goboleedka Koonfur galbeed ee Baydhaba oo uu olole wayni ka socday.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland