Madaxweynaha Somaliland oo Qudbad uu Dadweynaha Burco u Jeediyay Kaga Hadlay Arrimo kala Duwan

0
425

Burco(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa  socdaal  kuu ku marayo gobolada bari ee dalka ku gaadhay magaalada Burco.

Waxaa uu Madaxweynaha Somaliland  qudbad u jeediyay dadweynaha  magaalada Burco uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dagaal beeleedyada ka dhaca dalka,kala aragti duwannaanta asxaabta qaranka iyo faro gelinta dawladda Soomaaliya.

Waxaanu meesha kasaaray Madaxwyne Muuse in Somaliland iyo Soomaaliya ay wada hadal dambe isugu yimaadaan illaa Soomaaliya ay aqoonsato Somaliland oo ay qirto madaxbannaanida qarannimada Somaliland ka dibna  la wada hadli karo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida loogu baahan yahay iyadoo la kala aragti duwan yahay in hadana loo midoobo danta qaranka Somaliland.

Waxaanu bulshada ka waaniyay in aanay isku khilaafin ama aanay ku kala tegin afkaarta asxaabta qaranku ku kala duwan tahay waxaanu caddeeyay in asxaabta qaranku mid ku yihiin in dalka la horumariyo doodaha ay is waydaarsadaanna ay tahay aragti midba dhan u arko in uu ka kale kaga wanaagsan yahay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay tirada dhallinyarada gobolka Togdheer loo shaqaalaynayo sannadka cusub waxaanu tilmaamay in shaqo qaran ay geli doonaan.

Haddaba halkan hoose ka daawo qudbadda Madaxweyne Muuse Biixi halkan ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here