Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xeerka Booliska Somaliland oo hore uga gudbay golaha wakiiladda Somaliland isla markaana Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi uu saxeexay oo maray hannaankii sharci ee xeerkaasu dhaqan gal ku noqon lahaa kuna shaqayn lahaa,ayaa mar kale dib loogu soo celiyay golaha wakiilada Somaliland iyadoo wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay.
Xeerkan oo laba goor oo hore golaha wakiiladda u soo maray,ayaa imikana markii sadexaad dooddiisu hor taalla golahaas.
Inkasta oo xeerka madaxweynuhu sareexay oo uu dhaqan galay haddana dib ayaa loogu soo celiyay waaxda xeer dejinta dalka iyadoo wa ka bedel illaa 8 qodob lagu soo sameeyay.
Haddaba halkan ka daawo Xeerka booliska ee hore Madaxweynuhu u saxeexay oo golaha lagu soo celiyay iyo qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Ofice