Addis-ababa(Xogsoor Media.Net):- Dawladda Itoobiya ayaa gudaha dhigtay oo xidhay saraakiil sar sare oo ciidan isla markaana sheegtay in ay galeen dambiyo kala duwan oo isugu jira musuq maasuq iyo falal ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
Saraakiisha la xidhay,ayaa waxaa ka mid ah sarkaal sare oo laga soo qabtay deegaanka waqooyi ee dalkaas ee gobolka Tigreega oo la sheegay in uu doonayay in uu iga soo gudbo xuduudka dalka Soodaan.
Madaxii hore ee Shirkadda Injineeriyadda iyo biraha oo hoostagta ciidammada Itoobiya ayaa la xidhay, maalin ka dib markii xeer Ilaaliyaha Guud uu sheegay in baadhitaan la sameeyay lagu ogaaday musuqmaasuq hadheeyay shirkadda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee dawladda.
Sareeye Gaas Kinfe Dagnew ayaa la qabtay isaga oo isku dayaya in uu Suudaan u tallaabo isaga oo sii marayay magaalada waqooyiga ku taalla ee Humera ee gobolka Tigreega.
Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taagi doono muddoo aan ka badnayn 48 saac ka dib qabashadiisa , sida warbixintaas lagu sheegay.
Xeer ilaaliyaha Guud Berhanu Tsegaye ayaa Isniintii sheegay in la xidhay 28 ruux oo lala xidhiidhiyay musuqmaasuqa shirkadda Metec
Dadka laga shakisan yahay ayaa maxkamad la horkeenay waxaase dhagaysiga laga dhigay 26 Nofeembar.
Metec ayaa mar haystay qandaraaska lagu dhisayo biyo xidheenka wayn ee Abay looga yaqaanno dalka Itoobiya, balse waxaa bishii Agos ka kansalay Raaysalwasaaraha isbadalka wada ee Itoobiya Abiy Axmed.
Berhanu ayaa saraakiishaas ku eedeeyay in ay wax isdabo marin ku sameeyeen dhaqaalihii hawshaa loogu talagalay.
Soddon iyo lix sarkaal oo kale oo laamaha ammaanka iyo sirdoonka isugu jira ayaa loo xidhay eedaymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha
Isbadallo waawayn ayaa Itoobiya ka dhacay tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy bishii Abriil.
Xigasho BBC-Somali
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Ofice