Hargeysa (Xogsoormedia.Net):- Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah Xildhibaanada gobalka Awdal ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay guud ahaanba xildhibaanada golaha wakiilada kaga jira gobalka Awdal ay is casili doonaan haddii Madaxweynuu aanu go’aan rasmi ah ka gaadhin saamiga kuraasta gobalkaas ee mudada dheer arintiisu ay soo jiitamaysay.
Xildhibaanka oo arrimahan ka hadlaya, waxa uu yidhi “Xaalada saamigu nidaam ayay soo martay intay doontaba ha gaadhee oo uu hormuudna ka ahaa Madaxweynaha maanta haya dalka ee Muuse Biixi waliba dadkii aadka u taageersanaa uu ahaa, maanta waxay maraysaa dadkan wax doon doonaya xukuumadii hore ayaa kibriyay, madaxweynaha Kalabaydh ilaa Sheekh mooyaane malaa inta kale waxba kama quseeyaane, heshiisyadii waa in la fuliyaa oo saamigii waa in si degdeg ah loo galaa intaas oo mudo ah ayuu soo jiitamayay, intaas oo mudo ah ayaa loo dulqaadanayay 27 sanadood ayaa laga soo hadlaayay xaalad kale oo maanta la yidhaahdo waa sidan wax suurto gal ah maaha, gobalka Awdal intaas oo jeer ayuu hadlay xildhibaanada ayaa hadlay intaas oo jeer ayay la tashi dadkooda ugu tageen, xaaladii ugu danbaysay ee uu isagu balan qaaday ee uu afkiisa ka yidhi tiiba looga fadhiyaa,saamigii.” Ayuu yidhi Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good
Xildhibaan Abubakar Good, waxa uu intaas ku daray “Waa inay xukuumadu hoggaamisaa,shir gudoon inaad qabataanba may ahayn mar haddii aynu u codaynay hore oo madaxweynaha aynu u gudbinay, saddex bilood markay ka hadhayna waxa la soo saarayaa ka gaadhi mayno, suurto gal noqon mayso, Xildhibaanada gobalka Awdal talo ayaanu isugu noqonaynaa, gobalkiina talo ayaanu ugu noqon doonaa, haday nagu kalifayso 13-kayagaas xildhibaan inaan is casilnana waanu ku talo jirnaa, waxaas dadka u qaadi mayno.”
Hargeisa Somaliland