Hargeysa (Xogsoormedia.Net):- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddida dhawrista tayada dhawaan Madaxwayne Muuse Biixi soo magacaabay.
Guddidan oo ka kooban afar xubnood, ayaa Xogahaya guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mudanayasha u sharaxay heerka ay gaadhsiisan tahay khibradooda aqooneed iyo waayo-arragnimadda ay u leeyihiin.
1:-Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayadda Somaliland Muuse Xasan Yuusuf waxa ansixiyay 45 mudane ,cid diiday ma jirto. Waxaana ka aamusay saddex Xildhibaan.
2:-Faysal Maxamuud Siciid waxa ansixiyay 48 Xildhibaan cid diidin may jirin, laba Xildhibaa-na wey ka aamuseen Guddoomiyahuna muu codayn. Sidaas ayaanu ku ansaxay.
3:-Cali Sheekh Maxamuud Aw Cabdi Waxa Ansixiyay 48 Xildhibaan cidi may diidin waxaana ka Aamusay laba xildhibaan guddoomiyahuna muu codayn.sidaasna wuu ku Ansaxay
4:-Xasan Maxamuud Maxamed waxa ansixiyay 49 Xildhibaan cidi may jirin, waxaana ka aamusay hal mudane. Guddoomiyahuna muu codayn sidaas ayaana lagu ansixiyay.
Hargeisa Somaliland