Madaxweynaha Somaliland oo Isku Shaandhayntii Ugu Horraysay oo Kooban Ku Sameeyay Xubno ka Tirsan Golihiisa

0
387

Hargeysa(Xogsoormedia.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa isku shaandhayntii ugu horraysay oo kooban ku sameeyay xubno kamid ah golihiisa xukuumadda.

Waxaanu Madaxweyne Muuse xilkii ka qaaday wasiirkiisii Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu  ka dhigay xubin ka tirsan gidada tacliinta sare ee Heer Qaran,waxaa kale  oo uu wasaaradihii ay hayeen u wasaarado kale ugu bedelay Dr Sacad Cali Shire oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda oo uu u bedelay wasiirka maaliyadda,halka wasiirkii hore ee waxbarashada iyo sayniska Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon uu u magacaabay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah.

waxaa kale oo uu soo kordhiyay xubin oo uu u magacaabay wasiirka waxbarashada

Haddaba war saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Muuse,ayaa u dhignaa sidan.

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Magacaabid iyo Isku-beddel

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

1)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka Cismaan Jaamac Aadan Iimaan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Magaca Xilka

1.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

 

2.Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahIn laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

 

3.Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame  (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

 

4.Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

5.Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

6.Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

 

7.Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here