Burco(Xogsoor Media.Net):- Maxkmadda Sare ee Somaliland,ayaa ka bilawday gobolada bari dhegaysiga dacwado kala duwan oo isugu jira kiisas hadda la gudo gelayo iyo dib u eegista dacwado hore loo qaaday.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay inMaxkamadda sare oo isku dhan in ay ku sugan tahay magaalada Burco isla markaana ay soo mari doonaan gobolada bari ee dalka sida Saaxil,Togdheer,Sool iyo Sanaag isla markaana ay guda gali doonaan kiisas iyo dacwado badan oo uu sheegay in ay tiradoodu kor u dhaafayso laba boqol oo dacwadood.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa kale oo uu sheegay in sababta ay Maxkamadda sare oo dhammaystirani ay u soo guurtay ee ay gobolada bari u maraysaa in ay tahay si loogu dhib yareeyo dadka kiisasku ka yaallaan ee danyarta ah ee aan awoodin in ay yimaadaan Hargeysa oo ay muddo sugaan.
Waxaa kale oo uu farriin u diray bulshada gobolada bari.haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan hoose kadaawo.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland