Xisbiga KULMIYE oo Sheegay In Doorashooyinku Dib U Dhacayaan

0
557

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa sheegay n doorashooyinka Somaliland dib uga dhacayaan xilligii loo muddeeyay oo ku beegan bilawga sannadka soo socda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere,ayaa sheegay in ay suuragal tahay in doorashooyinku ay dib u dhici karaan oo aanay ku qabsoomayn wakhtigii u muddaysnaa.

Waxaa kale oo uu ka hadlay kulan ay wada yeesheen KULMIYE iyo Guddida doorashooyinka oo uu sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hor yaalla,waxaanu ugu baaqay xisbiyada mucaaridku in ay kusoo noqdaan miiska wada hadalka oo ay la shaqeeyaan  komishanka.

Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.

 

 

Xogsoor Media.Net

abafagaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here