Hargaysa (Xogsoormedia.net):-Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac(Shabeel) iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid ayaa kulan ku wada yeeshay magaalada Hargeysa.
Guddoomiyihii golaha dhexe xisbiga ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo dhawaan hoggaanka xisbiga Kulmiye xisbiga ka saareen kana qaadeen xilkii guddoomiyaha golaha dhexe, ayaa saaka kula kulmay magaalada Hargeysa ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi.
Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ah ganacsade si wayn u taageera xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE isla markaana si hagar la,aan ah ugu huray maalkiisa in xisbiga Kulmiye uu ku soo boxo hoggaanka dalka oo uu ku guulaysto jagada kursiga madaxweynaha Somaliland oo uu uga sharaxnaa Madaxmweyne Muuse oo imika ah madaxweynaha Somaliland.
kulanka ay Jaamac shabeel iyo Ganacsade Ina Aw Siciid wada yeesheen oo aan la ogayn waxay ku wada hadleen,ayaa la sheegay in uu jawi wanaagsan oo labadooduba ay raalli ka yihiin ku dhammaaday waxna isku afgarteen.
kulankan ayaa laga saadaaliyay in Maxamed Aw Siciid uu doonayay in uu ku dhex dhexaadiyo kuna heshiisiiyo Jaamac Shabeel iyo Madaxweyne Muuse.
Xogsoor Media.Net
abafagaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland