Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa waraysi faah faahsan kaga hadlay buugga uu qoray ee habeen hore uu soo bandhigay oo falanqayntiisu aad u badatay isla markaana dareeno kala duwan lagaga jawaabay xogaha buuggu uu xambaarsan yahay.
Hoggaamiye Xirsi oo waraysi gaar ah siiyay HCTV waxaa uu aad isu dultaagay xogaha uu buugga Miyiga Illaa Madaxtooyada ee uu qoray kaga hadlay muddadii uu wasiirka Madaxtooyada ahaa iyo dhacdooyinka uu ka qoray.
Kuwaas oo ah kuwa ugu hadal haynta badan ee ay bulshadu ku kala aragti duwanaatay kana doodayaan.
Haddaba waraysigaas oo faah faahsan halkan hoose kaga bogo.